Madxafyada oo lacag u aruurinaya dhulgariirka

Lacagaha ay aruuriyaan Matxafyada dalka Talyaaniga maalmaha Axadda ah ayaa si khaas ah loogu qoondayn doonaa dib u dhiska dhulgariirkii Arabacadii dhacay ee ay ku dhinteen 291-da ruux.
Kiniisado badan iyo dhismeyaal kale oo qadiimi ah ayaa ku burburay dhulgariirkii cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2 ee ku dhuftay Amatrice iyo qaybo kale oo gobolka dhexe ka tirsan.
Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in uu doonayo in uu soo celiyo wakhtigii wanaagsanaa ee ay soo martay.
Ra'iisalwasaaraha iyo Madaxwaynaha dalkaasi ayaa ka wada qaybgalay Axaddan maanta ah aas loo samaynayay 35 ruux oo ku dhimatay dhulgariirka.