Dabka Brussels waxaa looga gol lahaa in "cadaymo lagu burburiyo"

Burbur "baaxad leh" ayaa soo gaaray dhismaha Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burbur "baaxad leh" ayaa soo gaaray dhismaha

Dab wayn oo ka kacay shaybaar dambiyada lagu baaro oo ku yaala magaalada Brussels ayay u badan tahay in looga gol lahaa in lagu burburiyo cadaymo sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Wax yar kahor 02:30 daqiiqo wakhtiga dalkaas gaari waxyaabaha ayaa la jiirsiiyay saddex xayndaab oo uu dhismuhu lahaa taas oo horseeday qarax iyo dab wayn, sida uu ku waramay RTL Belgium.

Qarax wayn ayaa la sheegay, laakiin booliisku booliisku ma aysan xaqiijinin in bam uu qarxay.

Afhayeen u hadashay xafiiska dacwad oogaha ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegtay in ujeedada dabku ay ahayd in la burburiyo faylal dhawr ah.

Qaraxa ay maqleen dadka dariska ahna waxay u badan tahay in ahaayeen qalabka shaybaarka ee gudaha ku jiray oo uusam ahayn bam sida ay sheegtay.

Feejignaanta sare oo falalka argagixisa la xiriira ah ayaa ka jirta dalka Belgium tan iyo markii qaraxyada lagu weeraray garoonka Brussels iyo khadadka tareenka ee magaaladaas, kuwaas oo galaaftay 32 ruux ayn sheegteen kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka bishii saddexaad ee sanadkan.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka ka kacay shaybaarka dambiyada sida ay ku warantay warbaahinta Belgium, mana cadda wixii ay la kulmeen dadkii falkaas ka dambeeyay oo baxsaday goobtaas.

Ilaa soddon dab damis ah ayaa ka qaybqaatay daminta dabka ka kacay mac'hadka Qaran ee Dambiyada oo warbaahinta dalkaasi ay ku warantay in ay soo gaarta dhibaato "baaxad leh".