Caanshuur intee la eg ayaa kasoo xaroota xoolaha laga dhoofiyo Berbera?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caanshuur intee la eg ayaa kasoo xaroota xoolaha laga dhoofiyo Berbera?

Ayadoo xilligan xajka ay xoolo tiro badan ka dhoofayaan dekadda Berbera, ayaa waxaa isweydiin mudan dakhliga dowladda hoose ee magaaladaasi ka soogala howlahaasi ganacsi.

Dekadda ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo safar shaqo ku jooga Berbera ayaa duqa magaaladaasi Cabdishakuur Ciddin ka wareystay cashuurta ay ka helaan xoolaha dhoofaya iyo waxa ay ku qabtaan.