Wafti ka socda Golaha Ammaanka oo booqanaya Suudaanta Koonfureed

Juba Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaramada Midoobay waxaa Juba ka jooga ciidammo nabad illaalin

Wafti ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba si ay ugu qanciyaan dawladda inay aqbasho ciidammo ka socdo gobalka oo dalkaas la geeyo.

Danjirayaal ka socda 15-ka xubnood ee uu Goluhu ka koobanyahay ayaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxweyne Salva Kiir.

Kiir ayaa mar hore diiday in ciidammo gaaraya 4,000 oo ka socdo gobalka la geeyo dalkiisa, si ay u taageeraan hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koofurta Sudan.

Waxaa laga yaabaa in dalkaasi la saaro cunaqabatayn dhinaca hubka ah haddii ay ku gacansayro dalabka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay inay marka hore doonayso inay wax badan ka ogaato waajibaadka shaqo ee ay yeelan doonaan ciidammdaasi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii la soo dhaafay meelmariyay in la geeyo dalka Suudaanta Koonfureed ciidammo nabad ilaalineed oo dheeraad ah oo ka socda waddamada gobolka oo gaaraya ilaa 4000 oo askari.

Ciidammadan dheeraadka ah ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u illaaliyaan gegida diyaaradaha iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Waxayna ammar u haystaan inay tallaabo ka qaadan koox walba oo weerar ku qaada xarumaha Qaramada Midoobay, ha'yadaha gargaarka iyo dadka rayidka ah.

Kummanaan qof ayaa lagu dilay dalkaasi, malaayiin qofna way ku barakaceen tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay dalkaasi sanaddii 2013-kii.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Suudaanta Koonfureed, nolosha dadku aad ayey u adkaatay

Mowduucyada la xiriira