Dumarka Berbera iyo Hargeysa oo ragga kula tartamaya ka ganacsiga xoolaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumarka Berbera iyo Hargeysa oo ragga kula tartamaya ka ganacsiga xoolaha

Xilligan xajka oo xoolaha ugu badan ee Soomaalida loo dhoofiyo dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa aad uga dhex muuqda sayladaha xoolaha lagu iibiyo ee magaalooyinka Somaliland siiba Hargeysa iyo Burco dumar ganacsato ah oo inta ay xoolaha ka iibsadaan reer miyiga dabadeedna sharikadaha waaweyn ee xoolaha ka dhoofiya Berbera ay ka sii iibiyaan. Dumarku waxay ka cabanayaan sharikadaha xoolaha dhoofiya oo sanadkan qiimihii dhimay neefka ariga ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa u kuur galay oo warbixintan ka diyaariyay.