Khamenei oo weeraray sida Xajka loo maamulo

Ayatollah Ali Khamenei Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ayatollah Ali Khamenei

Wadaadka Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa si adag afka uga weeraray dalka Sacuudi Carabiya.

Khamanei ayaa dhaliilay sida loo maamulayo xajka.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Dunida Muslimku ay u baahantahay in ay ka fiirsadaan sida loo maamulo xajka.

Sanadkii hore waxaa Xaramka ku geeriyooday dad badan oo soo xajinayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen boqolaal Iiraaniyiin ah.

Tehran ayaana arrintaas ku eedaysay maamul xumida Sacuudiga.

Xujayda reer Iiraan ayaan sanadkan soo gudan doonin acmaasha Xajka kaddib markii ay dhicisoobeen wadahallo u socday labada dal oo isku khilaafsan rabshadaha ka taagan Bariga Dhexe.