Hogaamiyaha Muslimiinta mucaaradka ee Ugandha oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Jamil Mukulu waxaa lagu qabtay dalka Tanzania sanad ka hor Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jamil Mukulu waxaa lagu qabtay dalka Tanzania sanad ka hor

Hogaamiyaha koox muslim ah oo lagu magacaabo Jamil Mukulu ayaa xabsiga lagu hayndoonaa 14 bilood.

Wuxuu mudadaasi ku xirnaan doonaa xabsiga Luzira ee aadka loo ilaaliya ee ku yaalla Kampala.

Eedaha loo haysto waxaa ugu weyn in khiyaano qaran uu sameeyay iyo inuu dil geystay.

Jamil Mukulu waxaa lagu qabtay dalka Tanzania sanadkii tagay, kaddib markii uu baxsad ahaa in kabadan 10 sano.

Ninkan waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa madixii kooxda mucaaradka ee ADF oo ah urur ka dagaallama inta u dhexeysa Bariga jamhuuriyadda Congo iyo ugandha, sanadkii 1990kii.

Dowladda Ugandha waxay kooxdiisa ku eedeysay dilka culimada Muslimiinta ee dalkaasi ka dhacay 2014kii.

Waxaa sidoo kale ururka ADF lagu eedeeyay inuu doonayo in dowladda uu rido.

Mr Mukulu waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay koox "argagixiso" oo caalami ah, waxaana lagu daray liiska xannibaadda ee Qaramada Midoobey sanadkii 2011kii.

Waxa xilligaasi lagu eedeeyay inuu curyaaminaayo dowladnimada dalka DR Congo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan