Nabadoonno lagu dilay Caabudwaaq
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nabadoonno lagu dilay Caabudwaaq

Waxaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu aasay laba nabadoon oo deegaanka aad looga yaqaanay kuwaasoo niman dabley ah ay ku dileen magaaladaas.

Kooxda weerarka qaadday ayaa sidoo kale waxay rasaas ku fureen bartamaha magaalada, halkaasoo ay ku dhaawaceen 10 qof oo 4 ay haween yihiin.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii nin hubeysan uu magaalada ku toogtay nabadoon kale iyo nin ay walaalo ahaayeen oo ganacsade ahaa.

Haddaba xaaladdii ugu dambeysay ee magaalada iyo sababaha weerarkan dhaliyay ayaa waxaan khadka taleefanka ku waydiiyay Mahad Cumar Cilmi, gudoomiyaha degmada Caabudwaaq.