Ol'olaha Trump oo qiray in Obama Maraykanka ku dhashay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump ayaa si joogto ah su'aalo u galin jiray muwaadinimada Obama

Xafiiska Ol'olaha Trump ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu hadda qirsan yahay in madaxwayne Obama uu ku dhashay dalka Maraykanka.

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa hor boodayay dhaqdhaqaaq su'aal lagu galiyay muwaadinnimada Obama oo Hawaii ku dhashay.

Laakiin xafiiska Ol'olihiisa ayaa hadda ku eedaynaya Hillary Clinton oo ay is hayaan in ay iyadu billawday hadalkaas "la iska yiri" intii ay waday ol'olaheedii 2008-dii.

Ma jiro wax cadayn ah oo loo hayo in Hillary ay Obama ku sheegtay in uusan Maraykanka ku dhalanin.

Iyada oo arrintan soo korodhay ka hadlaysana waxay Twitterkeeda ku soo qortay in qofka badalaya Madaxwayne Obama uusan noqon karin qof hormuud u ahaa dhaqdhaqaaqa ku doodaya in Obama uusan Maraykanka ku dhalanin.

Anthony Zurcher oo ah weriyaha BBC-da uga soo warama waqooyiga Ameerika wuxuu ku soo waramayaa in qoraalkan xafiiska Ol'olaha Trump uu aad uga fog yahay mid si khaldan u soo baxay maadaama oo uu saxiixay Jason Miller oo lataliye sare u ah Trump.