Australia oo ka qeyb qaadatay duqeyntii Syria

Duqeynta Syria Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Duqeynta Syria

Dowlada Australia aya qiratay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka qeyb qaateen duulanki uu hogaaminyay Mareykanka ee lagu duqeeyay Ciidamada Wadanka Syria, taas oo Rushku sheegay in lagu dilay ku dhawaad 90 kamid ah Ciidmada Bashaar-Al-Asad.

Raisul wazaaraha dalka Australia Mr Malcolm Turnbull ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaasi ay la damacsanaayeen Kooxda ISIS,waxaa uu na intaa ku daray in markiiba la hakiyay weerarka kadib markii Ciidamada Rushka ay kuso wargaliyeen in waxa ay duqeyeen ay tahay Ciidamada Dowlada Syria, balse aysan aheyn Kooxda Daacish.

Waxaa uu sidoo kale cambaareeyay baaqa Rushka ee ahaa in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kulan deg-deg ah isugu yimaadan kaas oo looga arinsanayo duqeynta Mareykanka.