Dacwadda Badda: Soomaaliya oo maanta jeedineysa doodda ugu dambeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dacwadda Badda: Soomaaliya oo maanta jeedineysa doodda ugu dambeysa

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaallada, fadhigeeduna yahay magaalada The Hague, ayaa maanta dhagaysan doonta doodda ugu dambeysa ee ay Soomaaliya kaga hadleyso in maxkamadaasi ay qaadi karto muranka badda ee kala dhexeeya Kenya.

Go'aanka maxkamadaasi ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hogaansamaan.

Haddii ay maxkamadu go'aamiso in aanay sharciyad u lahayn qaadida dacwadaasi, markaasi waxaa labada dal u furan in ay khilaafkooda ku dhamaystaan qaab diblomaasiyadeysan.

Haddaba maanta maxaa laga filan karaa doodda wefdiga dhinaca Soomaalida? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayay Suheba Badqas, weydiisay Dr Ibrahim Faarax Bursaliid oo ka faalood arrimaha caalamka.