Maxay Soomaaliya ka faa'iiday kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay Soomaaliya ka faa'iiday kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay?

Shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo muddo todobaad ah ka socday magaalada New York ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loo soo gabagabeeyo.

Shirkan oo sannadle ah ayaa sannadkan waxaa markii ugu horraysay lagu dhinac qabtay shir kale oo arrimaha qaxootiga ee caalamka ku saabsanaa.

Soomaaliya waxaa uga qayb galay shirkaas wafdi uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Cumar Hadliye.

Haddaba maxaa ka mid ah waxyaabaha danta u ah Soomaalida ee kulankaas ka soo baxay.

Su'aashaas iyo qaar kale ayuu Faarax Lamaane weydiiyey wasiirka.