Muqdisho: Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidammada oo la dhaawacay

Sawirka weerar is qarxin ah oo bishii July ka dhacay magaaalada Muqdisho
Image caption Sawirka weerar is qarxin ah oo bishii July ka dhacay magaaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa duhurnimadii maanta lagu dhaawacay Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxakamadda ciidammada Cabdullaahi Xuseen, iyadoo askari ilaalo u ahaana la dilay.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn saldhiga degmada Wardhiigley.

Waxaa weerarka fuliyay dabley wadatay gaari nooca qaaliga ah oo rasaas badan ooda uga qaaday gaariga uu la socday Xeer Ilaaliye kuxigeenka maxkamadda ciidamada, sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha degmada Wardhiigley Yasiin Nuur Ciise.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka ayaa aad loogu bartay dacwadaha ka dhanka ah dadka lagu soo eedeeyo in ay Al-Shabaab yihiin, kuwaas oo xukunno uu dil ku jiro lagu fuliyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka lagu dhaawacay xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada.