Trump iyo Clinton oo ay dhex martay dood kulul
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Clinton iyo Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood kulul oo toos loo daawanayay.

Dood culus ayaa dhex martay musharixiinta madaxtinimda mareykanka Hillary Clinton iyo Donald Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood si toos ah looga baahinayay telefishinada.

Doodan oo socotay muddo 90 daqiiqo ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayay dhaqaalaha, cnshuurta, xiriirka u dhaxeeya dadka madowga iyo caddaanka ah ee mareykanka iyo arrimaha amniga.

Trump ayaa Clinton ku eedeeyay in aysan la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne, halka Clintonna ay Trump ku eedeysay in uusan ka war qabin wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah isla markaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa.

Waxaa la saadaalinayaa in dooddaasi ay daawanayeen in ka badan boqol milyan oo qof, weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa ka mid ah ahaa dadkii dooddaasi daawanayay, warbixintan ayuuna ka diyaariyay.