QM: Siyaasiyiin ayaa faragelinayso hanaanka doorashada Soomaaliya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu jira walaac laga qabo in hanaanka doorashada ee Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fargelin.

Micheal Keating oo warbixin siinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sheegay in qabo cabsi ah in doorashada mar kale haddana dib loo dhigo.

Qaramada Midoobay ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashooyadaasi madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashadu u dhici doonto si "habsan oo hufan".

"Dib u dhacan cusub ee haatan yimi wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliya uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurto gal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale" ayuu yidhi Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Isniintii ayaa saraakiisha guddida doorashooyinku ka sheegeen magaalada Muqdisho, in ay doonayaan in ay dib ugu riixaan doorashooyinka bisha Noofembar halkii laga filayay inay qabsoomaan Oktoobar sababo nabad galyo iyo caqabado maamul oo jira awgood.

Lahaanshaha sawirka UN
Image caption Ergayga Qaramada Miodoobay, Micheal Keating

Dowladda ayaa sheegtay in khatarta ay Al-Shabaab dalka ku hayso darteed aanay u suurto galayn in dalka laga qabto doorasho qof waliba codkiisa dhiibto. Waxaana arrintaa lagu bedelayaa in ilaa 14,000 oo qof oo ka wakiil ah beelaha Soomaalidu ay soo xuli doonaan xubnaha baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka haatan ee mudada xilkiisu dhammaadka tahay waxa xubnihiisa soo xulay 135 oday dhaqameed oo kali ah.

Mowduucyada la xiriira