Jubaland oo ka hadashay dib u dhaca doorashada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jubaland oo ka hadashay dib u dhaca doorashada

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa labo jeer dib u dhigay xilligii doorashada la qaban lahaa, waxaana jira walaac laga muujinayo dib u dhacan.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaliya uu muujiyay inuu ka walaacsan yahay dib u dhaca xilliga doorashooyinka.

Xubnihii aqalka sare ee Senate-ka ee ay ahayd in ay soo gudbiyaan maamul goboleedyada ayaa ugu horreeya doorashooyinka la qaban doono.

Maxamuud Sayid waa madaxweyne ku xigeenka Jubaland Nairobi ayuu ugu waramay Cabdirisaaq Xaaji Catosh oo ugu horreyn weydiiyey ka maamul ahaan waxa u diyaarsan.