Shiinaha oo baadigoobaya dad duufaan lagu waayay

Lahaanshaha sawirka CCTV
Image caption Sawirkan ayaa muujinaya buur ku soo dumaysa tuulada Sucun

Ugu yaraan 32 ruux oo la waayay ayaa laga baadi goobayaa gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha kaddib markii roob mahiigaan ah oo duufaan wata uu sababay in dhul joogiisu sareeyo oo labo goobood oo kala duwan ku yaalla ay soo go'aan.

Tuulada Sucun ee gobolka Suichang guryo dhawr ah ayaa gabi ahaanba burburay, arrintaas oo sababtay in la waayo 26 ruux sida ay ku warantay warbaahinta dawladda.

Muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa muujinaya burburka dhismeyaal badan, shan iyo toban ruux ayaana la soo badbaadiyay.

Lix ruux oo kale ayaa lagu la'yahay deegaan Baofeng oo ka tirsan Wencheng sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Roobabka ayaa la socday duufaanta Typhoon Megi, oo todobaadkii hore afar ruux ku dishay Taiwan ka hor inta aysan gaarin dhulwaynaha Shiinaha.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duufaan roobab mahiigaan ah wadata ayaa daadad badan ka dhalisay gobolka Fujian
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duufaan xawaaraheeda lagu qiyaasay in ay saacaddiiba jarayso 118 kiiloo mitir ayaa ku dhufatay shiinaha sida ay sheegeen waaxda cimilada ee Shiinaha