Singapore oo xirtay wiil yar oo Islaamka iyo Kiristaanka aflagaadeeyay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Amos Yee 2015 ayaa mar la xiray ka dib markii uu af lagaadeeyay hogaamiyihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew

Wiil kuray ah oo internetka wax ku qora ayaa xabsi lagu xukumay ka dib markii maxkamad ku taalla dalka Singapore ay ku heshay in uu dhaawac u gaystay dareen diimeed.

Amos Yee, oo 17, ayaa xabsiga ku jiri doona lix todobaad, maadaama uu si ula kac ah u soo bandhigay muuqaal ka dhan ah Islaamka iyo Kiristaanka.

Ong Hian Sun oo ah xaakimkii maxkamadda ayaa sheegay in ficilka Yee uu bulshada ka dhex dhalin karo daganaansho la'aan.

Waa markii labaad ee xabsi lagu xukumayo wiilkan yar muddo labo sano gudahood ah.

Yee ayaa afar todobaad lagu xukumay sanadkii hore ee 2015-kii, ka dib markii uu soo bandhigay muuqaal lagu tilmaamay in uu meel ka dhac ku yahay hogaamiyihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew.

Yee oo hooyadii ku wehelisay maxkamadda ayaa saxafiyiinta u sheegay in xukunka lagu riday uu cadaalad yahay wuxuuna intaas ku sii daray "in uu aad uga xumaaday ficilkii uu ku kacay".

Xukunkan labaad ee wiilkan yar waxaa si dhow ula socday kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, kuwaas oo ku doodaya in xukunkani uu halis ku yahay xoriyatul qawlka.

Phil Robertson oo ka tirsan hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegay in Singapore ay hadda u baahan tahay in ay ka fiirsato habka ay u wajahayso dacwadan oo kale, taas oo ay u badan tahay buu yiri in Yee uu ka faa'iido caannimo.

Wuxuu intaas ku daray in mar kasta oo xukuumaddu dabo gasho uu ka sii faa'iido in ay kordhaan dadka macaamiisha ka noqda boggiisa uu wax ku qoro.