Ilaalada amiirad Sacuudi ah oo su'aalo lagu weydiiyey Paris

Waa halka la sheegay in weerarku ka dhacay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waa halka la sheegay in weerarku ka dhacay

Booliska Faransiiska ayaa su'aalo weydiinaya qofkii ilaalinayey amiirad Sacuudi ah, kaasoo lagu eedeynayo inuu weerar ku qaaday qof muruqmaal ah oo jooga Paris.

Qofka xoogsatada ah oo ka shaqaysta naqshadaynta guryaha gudahooda ayaa Booliska u sheegay in ninka ilaalada ah uu feer ku dhiftay, uuna xarig kula xiray hoyga ay amiiraddu ka daganayd waddada Avenue Foch, 26kii September.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Faransiiska, qofka dhibka sheegtay ayaa la weeraray ka dib markii uu masawirro ka qaaday hoyga. Magaca amiiradda ayaan la xaqiijin.

Sida uu ku andacoonayo 53 jirkaas ka shaqaysta naqshadaynta guryaha, amiiradda ayaa ka carootay inuu sawirro qaaday, ayadoo uga shakisan inuu damacsanaa inuu warbaahinta ka iibsado. Laakinse wuxuu sheegay inuu sawirrada ugu baahnaa si uu dib u habaynta guriga ugu isticmaalo.

Qareenka ninka ilaalada ah, oo ay soo xigatay Le Point ayaa sheegay in macmiilkiisa uu u adeegsaday oo kaliya xeelad uu ninkaas muruqmaalka ah ku joojinayo, wuxuuna beeniyey in la garaacay.