Ruushka oo sheegay inuu diidayo qorshaha nabadda ee Xalab

Magaalada Xalab waxaa burburiyay duqeymaha diyaaradaha Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada Xalab waxaa burburiyay duqeymaha diyaaradaha

Ruushka ayaa muujiyay in ay is hortaagi doonto qorshe Faransiiska uu wado oo lagu doonayo in lagu joojiyo dhiigga ku qubanaya magaalada Xalab.

Qorshaha waxa uu ku baaqayaa xabad joojin degdeg ah iyo in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo dowladda Suuriya aysan ku duuli karin magaalada dusheeda.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa la filayaa inuu u codeeyo qorshaha maanta oo sabti ah.

Laakiin safiirka Ruushka u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobeey, Vitaly Churkin ayaa sheegay in dalkiisa uusan arkin sabab uu ku meelmariyo qorshahaasi.

Mr Churkin wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in qorshaha uu yahay xeelad diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in Ruushka la gaarsiiyo heer uusan diidi karin xabad joojinta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan