Samsung oo joojisay soo saarista teleefannada Note 7

Note 7 gubtay Lahaanshaha sawirka BRIAN GREEN
Image caption Note 7 gubtay

Shirkadda weyn ee samaysa telefoonnada casriga ah, Samsung, ayaa sida lagu soo waramayo joojisay soo saarista nooca loo yaqaan Note 7, ka dib markii ay isa soo tartay hadal haynta ah in noocii dambee lagu bedelay kuwii hore ay weli leeyihiin cilladdii baytariga.

Wakaaladdaha wararka Reuters iyo Yonhap ee Koonfur Kuuriya, ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan shirkadda oo sheegay in shirkaddu hakisay samaynta telefoonnada Note 7.

Samsung ayaa BBC-da u sheegtay in aanay dafirayn isla markaana aanay xaqiijinayn wararka sheegaya inay joojisay soo saarista Note 7.

Warkani wuxu soo baxay iyadoo laba shirkadood oo kuwa isgaadhsiinta ah oo laga leeyahay dalka Maraykanku joojiyeen iibinta iyo beddelaadda telefoonnada Note 7.

Shirkaddan Samsung ee laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya waxay hore u shaacisay inay suuqa ka saarayso telefoonnada noocan ah bishii Sebtember, waxay isla bishii borena macaamiisheeda u xaqiijisay in telefoonnada cilladii ku jirtay laga saaray oo iyadoon cabsi laga qabin la adeegsa karo.

Laakiin waxa soo baxayey warar door ah oo sheegayay in telefoonnadii la lahaa waa la hagaajiyay oo cabsi loogama qabo dadka macaamiisha ah inay dhib gaadhsiinayaan, in durba la arkay iyagoo qiiqaya!