Laacibiin ka "naxay" ku orinta Rooney

Wayne Rooney Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Rooney ayaa lagu dhaliilay ciyaar xumo

Qaar ka mid ah laacibiinta England ayaa ka "naxay" orin ay taageerayaal daawanayay ciyaartii uu Ingiriiska 2-0 uga adkaaday Malta ku sameeyeen kabtanka xulkaasi, Wayne Rooney.

Rooney oo hal gool oo keliya u dhaliyay xulkiisa iyo kooxdiisa 12 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan, ayaa waxaa ku oriyay qaar ka mid ah 81,000 ee usoo daawasho tegay ciyaartii Sabtida dhacday.

John Stones oo daafaca uga dheela England, ayaa sheegay in Rooney uu ciyaar wanaagsanaa, isla markaana mar kasta oo uu dalkaasi u dheelayo uu dadaalo dheeri ah muujiyo.

Sidoo kale, Jordan Henderson oo khadka dhexe uga ciyaara England, ayaa sheegay in Rooney uu ciyaar qiimo badan soo bandhigay kulankii Malta.

Macallinka kumeelgaarka ah ee xulkaasi, Gareth Southgate, ayaa sheegay in dhaliisha loo jeedinayo Rooney ay mararka qaar tahay mid aan cadaalad ahayn.

Waxaa su'aal la gelinayaa booska uu Rooney ku lahaan karo xulka England, in kastoo ay soo baxeen weeraryahanno ka da' yar oo ay ka mid yihiin Harry Kane, Daniel Sturridge iyo Dele Alli.

Wayne Rooney ayaa bedel kusoo galay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay dheesho kooxdiisa Manchester United.

Xulka England ayaa Talaadada marti u noqn doona kan Slovenia.