Ciidamada gaarka ah ee Afghanistan oo ku duulay Taaliban

Ciidamada Afghanistan
Image caption Ciidamada Afghanistan

Boqolaal ciidammada Afghanistaan ah oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray gobolka koonfurta dalkaasi ku yaalla ee Helmand oo ah meesha ay maleeshiyada Taliban ka abaabuleen weerarkii ay ku qaadeen caasimadda gobolkaasi ee Lashkar Gah.

Diyaaradaha ciidammada cirka ee Afghanistaan ayaa la soo warinayaa in ay bambaanooyin la dhaceen halka ay ku sugan yihiin kooxda Talibaan oo u dhow magaalada, waxaana jira warar hor leh oo sheegaya in isku dhacyo culusi ay ka dhaceen dhanka koonfureed.

Lashkar Gah, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof ayaa la sheegayaa in ay go'doonsaneyd iyada oo dad badanna ay isku dayayeen in ay ka cararaan dagaalka.

Helmand ayaa ah gobolka ugu weyn ee dalka Afghanistan waxayna sidoo kale tahay meel istaraatajiyad iyo muhiimad dhaqaale leh.