Abaaro saameeyay Galmudug
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaro saameeyay Galmudug

Deegaanno ka tirsan Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dambeeyey laga soo sheegayaa abaaro ba'an oo dad iyo duunyaba saameeyey, kuwaasoo ku khasbay dadka xoolo dhaqatada ah inay daaq iyo biyo xoolahooda uga raadiyaan masaafo aad u fog.

Biyo yarida ayaa iyana saamaynteeda yeelatay, meelaha laga dareemayna waxaa ka mid ah degmada Gawaan ee maamulka Galmudug oo qiyaastii 30 KM qorrax u dhac kaga aaddan magaalada Hobyo, halkaasoo la sheegay in dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool ay lacag badan ku bixiyaan biyaha. Cabdi Cimaan Xirsi (maddaale) oo ka mid ah odayaasha deegaankaas ayaa C/risaaq X. Catoosh uga warramay baaxadda ay leedahay abaarta iyo biyo la'aanta haysta.