Nin Suuriyaan ah oo isku dilay xabsi ku yaalla dalka Jarmalka

Booliska ayaa sawirka ninkaasi baahiyay maalintii Sabtida ee ay ku daba jireen Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Booliska ayaa sawirka ninkaasi baahiyay maalintii Sabtida ee ay ku daba jireen

Jaber Al-bakr oo 22 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerarro bambaano in uu ka geysto bariga magaalada Leipzig ee dalkaas, balse booliska ayaa gacanta ku dhigay.

Ninkan ayaa inta uusan is dilin ka hor cuntada maalmo ka soomanaa, waxaana loo bahnaa in si dhow arrimihiisa ay ula socdaan booliska iyo maamulka xabsigaasi, sidaasi darteedna waxaa la sheegayaa in ay wajihi doonaan Su'aalo la weydiin doono.

Waxaa jiray dhaleecayn loo soo jeedinayay booliska ka dib markii dhowr jeer uu gurigiisa ka baxsaday, iyagoo doonaya in ay qabtaan todobaadkii hore, waxaana la qabtay labo maalmood ka dib, taasoo ay suurta galiyeen Suuriyanka kale oo booliska gacanta u galiyay.

Al-bakr ayaa yimid Jarmalka sanadkii hore, booliskana waxay todobaadkii hore arkeen in uu haysto walxaha laga sameeyo qaraxyada, balse hadda dhimashadiisa ayaa xaaladda waxa ay ka dhigaysaa mid cakiran, maadaama aan la ogaan Karin wixii uu qorsheynayay iyo ciddi la shaqeynaysay.