Switzerland oo looga arrinsanaya xabbad joojinta Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burburka Xalab waxaa ka qayb qaatay diyaaradaha Ruushka

Dalka Switzerland waxaa hadda ka soconaya dedaallo lagu doonayo in mar kale xabbad joojin laga gaaro colaadda dalka Suuriya kaddib markii uu burburay heshiiskii xabbad joojinta ee bishii hore.

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa maanta la kulmi doona dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov.

Waxaa kulankooda ka soo qayb gali doona wasiirrada iyo saraakiisha dowladaha Turkiga, Sacuudi Carabiya, Iran iyo Qadar.

Ruushka iyo mareykanka ayaa labaduba ka gaabsaday in wax horumar ah laga sameyn doono shirkaasi maanta ka dhacaya Switzerland.

Ciidaamda dowladda Suuriya oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa tan iyo markii uu burburay heshiiskaasi waxa ay laba jibbaareen duqeymaha ka dhanka ah magaalada Xalab.