Mourinho: Liverpool waxay dhibayaan garsooraha ciyaarta habeen dambe

Taylor, garsooraha ciyaarha Manchester United iyo Liverpool Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taylor, garsooraha ciyaarha Manchester United iyo Liverpool

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho, wuxuu sheegayaa in garsooraha ciyaarta beri, Anthony Taylor, uu dhibaato kala kulmi doono dhanka Liverpool.

Hadalka Manchester United ee dhanka Taylor waxaa canbaareeyay khubarada dhanka ciyaaraha.

Waxaa ka mid ah dadka ka carooday Keith Hackett, madixii hore ee shirkadda khibrada Ciyaaraha ka shaqeysa.

Sidoo kale hadalka Mourinho waxaa su'aalo iska weydiinaya taageerayaasha Liverpool, oo baraha bulshada arrintaasi ku baahiyay.

Mourinho waxa uu yiri, "qof ujeedadiisu tahay inuu cadaadiyo Talylor, kaas oo aanan taageerin koox ka mid ah Premier League".

Mourinho, oo bedelay Louis van Gaal, ayaa waxa uu ku tilmaamay Taylor inuu yahay "Garsoore aad u wanaagsan".

Sikastaba, 53-sano jirkan u dhashay Portoqiiska, waxa uu yiri, "Waxaan dareemayaa in ay ku adkaan doonto Taylor inuu shaqa wanaagsan qabto".

Mowduucyada la xiriira