Bangiga NatWest ee Uk ayaa xayiray koontada bangiyada TV-ga Russia Today

Abby Martin Lahaanshaha sawirka Russia Today
Image caption RT ayaa sheegtay in koontadooda ay xayireen bangiga NatWest

Bangiga NatWest ayaa xayiray koontada bangiga ee RT, sida ay sheegtay madaxa RT.

Margarita Simonyan ayaa tweet-garaysay " Waxay xireen koontada bangigeena Britain oo dhan. 'Go'aanka dib looguma noqon karo'.

RT ayaa sheegay in bangiga uusan bixin faahfaahin ku saabsan go'aankiisa.

Waxay sheegtay in shirkadda Royal Bank of Scotland Group, oo uu NatWest ka mid yahay ay diiday inay adeeg u samayso RT.

Talefishinka Russai Today ayaa sheegtay in NatWest ay u soo qortay xafiiskooda London oo ay u sheegtay: "Inaan dhawaan dib u eegnay koontada bangiga aad leedihiin waxaana go'aan ku gaarnay in adeega bangiga aan la idiin samayn"

Bangiga ayaa sheegay in "go'aankiisa uu yahay kii ugu danbeeyay "diyaarna uma aha inuu wadaxaajood galo"

RT oo ay leedahay dowladda Ruushka, waxaa horay u ciqaabay hayadda maamusha warbaahinta UK ee Ofcom kadib war aan sax ahayn oo ay sheegtay.

Waxaa ka mid ahaa eedeymo in BBC ay mala awaashay weerar kiimiko ee war ku saabsanaa Suuriya.

The BBC ayaa ku guulaysatay dacwadii TV-ga RT, kadib markii ay cabasho u gudbisay Ofcom, iyadoo sheegtay in eedeymaha ay sheegeen barnaamijka Truthseeker aysan run ahayn.