Beeraha maandooriyaha opium ee Afghanistan oo sare u kacay

Afghanistan waa dalka soo saara opium-ta ugu badan ee caalamka oo dhan
Image caption Afghanistan waa dalka soo saara opium-ta ugu badan ee caalamka oo dhan

Xafiiska la dagaallanka maandooriyaha iyo dembiyada ee Qaramada Midoobeey ayaa sheegay in beeraha daroogada opium-ta ee dalka Afghanistan ay aad sare ugu keceen sanadkan.

Xafiiska UN ayaa tilmaamay in sare u kaca uu gaarayo boqolkiiba 10.

Taasi micneheedu wuxuu yahay in 200 kun oo hektar ay ku darsameen dhulkii horey loogu beeri jiray.

Sikastaba, cimilada oo aad u wanaagsan, beeraha maandooriyahan, caalamka mamnuuca ka ah, ayaa sanadkan kordhay boqolkiiba 40.

Warbixinta uu soo saaray xafiiska UN u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada waxaa lagu xusay in beerashada opium-ta ay ku faaftay deegaano aan horey looga aqoon.

Arrintan waxaa sababay amniga meelaha qaar oo liita iyo beesha caalamka oo aanan taageerin dadka beerta, sida qoraalka lagu xusay.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in beeraha ubaxa ay aad hoos ugu dheceen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan