Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda barakacayaasha Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo Lahaanshaha sawirka Reuters

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka bini'aadamnimo ee Soomaaliya ee UNOCHA ayaa sheegtay dagaalka ka soconaya magaalada Gaalkacyo ay ku barakeceen kummaan qof oo rayid ah.

Hay'adda UNOCHA ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxa ay ku sheegtay in dagaalka todobaadkii saddexaad ka soconaya magaalada Gaalkacyo ay ku dhinteen 18 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 60 qof oo kale.

Hay'adda ayaa dadka ku barakacay dagaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidammada kala taabacsan maamullada Puntland iyo GalMudug waxa ay ku sheegtay in ay gaarayaan ilaa 75 kun oo qof.

Dadkaasi ayey hay'addu sheegaysaa inay ku jiraan dad markoodii hore magaalada Gaalkacyo ku soo barakacay oo ku noolaa xerooyinka dadka gudaha ku barakacay.

Dadkan ayaa markii hore joogay daafaha magaalada iyo gudaheeda laakiin hadda meelo ka fogfog ay u qaxeen, waxaana laga yaabaa bay UNOCHA leedahay in tirada dadkaasi ay sii kordhi karto maadaama dagaalku uu weli sii socdo.

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in todobaad saddexaad ay ku dagaalamayaan ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaldaasi, hasayeeshee waxaa la soo sheegayaa in dadka magaalada ay halkaasi isaga baxsanayaan.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo ku beegan galbeedka magaalada ayaa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay isku hayaan dhul la sheegay inuu dhismo ka socday.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan