Dad qaxooti ah oo doonayay in ay ku laabtaan Soomaaliya oo ku xanniban Dhadhaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad qaxooti ah oo doonayay in ay ku laabtaan Soomaaliya oo ku xanniban Dhadhaab

Qaxooti ku nool xeryaha Dhadhaab, isuna diyaarinayay in ay dib ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, ayaa hadda ku go'doosan xerada Ifo.

Xaaladdoodan ayaa ka dhalatay markii ay hay'adda UNHCR iyo maamulka Jubbaland go'aan ka gaari waayeen dib u celinta qaxootigaasi.

Qaxootigan waxa ay sheegayaan in ay iibiyeen guryahoodii Dhadhaab ku yaala, sidaa awgeedna aanay haysan meel ay ku laabtaan.

Weriyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay ayaa ka kulmay qaar ka mid ah dadkaasi, warbixintan ayuuna ka diyaariyay.