Xerada Calais oo qaxootigii ugu dambeeyay laga saaray

Dadka halkan laga saaray badankooda ma garanayaan meel akle oo ay aadaan Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka halkan laga saaray badankooda ma garanayaan meel akle oo ay aadaan

Teendhooyiin iyo guryo ku yaalla xerada qaxootiga ee Calais ee dalka Faransiiska ayaa la gubay.

Xeradaasi oo loo yaqaano Keynta waxay hoy u ahayd kumannan qof oo qaxooti ah oo badankooda ay Afrika ka tahriibeen.

Qiiq iyo holac ayaa ka soo baxaya qeybta maamulka dalkaasi ay ka saareen qaxootiga. Guriyihii ku yaallay ayaa sidoo kale la dumiyay.

Qof ka shaqeeya arrimaha gargaarka wuxuu sheegay in qiyaastii 200 oo cunug ay banaanka seexdeen xalay.

Waalidiinta caruurtaasi ayaa ka fikiraya badqabka ilmahooda.

Dhismayaal ganacsi oo aad u badan, oo ay ka mid yihiin maqaayado, ayaa la gubay xalay.

Lama garan karo cid gubtay, balse waxaa suuragal ah in qaxootiga careysan ay gubeen ama dad qaxootiga diidan ay ka dambeeyaan.

In kabadan afar kun oo muhaajiriin ah ayaa tan iyo Isniintii laga saaray xeradaasi Calais.

Dadkan badan koodu waxay doonayeen inay dhanka dalka Britain u gudbaan, balse xuduudda ayaa laga xirtay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan