Ugu yaraan 9 qof ku dhimatay qaraxyo ka dhacay dalka Nigeria

Militariga dalka Nigeria ayaa dagaal kula jira Boko Xaraam Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Militariga dalka Nigeria ayaa dagaal kula jira Boko Xaraam

Maamulka dalka Nigeria waxa uu sheegayaa in sagaal qof lagu dilay weerar is miidaamin ah.

Qaraxayada waxay ka dhaceen magaalada Maiduguri ee waqooyi bari dalkaasi.

In kabadan 20 qof ayaa weeraradaasi ku dhaawacantay, sida maamulka ay xaqiijiyeen.

Qaraxa koobaad wuxuu saaka aroortii ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Qaraxa labaadna waxaa lala eegtay goob shidaalka laga dhoofiyo.

Kooxda Boko Xaraam ayaa dhowaanahan xoojisay weerarada ay ka geystao Waqooyiga Nigeria.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan