Booliska oo qabtay nin laba askeri ku toogtay Maraykanka

Ilaa iyo haatan ma cadda ujeedada loo laayay askartan. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ilaa iyo haatan ma cadda ujeedada loo laayay askartan.

Booliska gobolka Iowa ee dalka Mareykanka ayaa qabtay nin hubeysan oo toogasho ku dilay labo askari oo booliska ka tirsan.

Booliska ayaa ninkan ku sheegay Scott Michael oo ah nin caddaan ah 46 sano jir ah, waxa ay sheegeen in mid ka mid ah askartan la dilay isaga oo dhex fadhiya baabuur uu roondo ku sameynayay, bannaanka magaalada Des Moines.

Ku dhawaad 20 daqiiqo kaddib booliska waxa ay arkeen meydka askariga labaad oo isaguna lagu dhex toogtay baabuurkiisa.

Ilaa iyo haatan ma cadda ujeedada loo laayay askartan.