Mareykanka oo sheegay in wadahadallada Venezuela ay fashilmeen

Wadahadallada waxay ahaayeen fursadii ugu dambeysay ee nabadda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Wadahadallada waxay ahaayeen fursadii ugu dambeysay ee nabadda

Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa inay socdaan dadaallo dib loogu billaabayo wadahadallada u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka Venezuela.

Kullamada ayaa xal loogu raadinayaa dhibaatada siyaasaded ee dalkaasi ka taagan.

Tom Shannon oo Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda kaas oo bishii aanu soo dhaafnay booqday Caracas, wuxuu sheegay in wadahadalka ay waday Vatican-ka uu fashilmay.

Labada dhinac ayaa la filayay inay taageerayaashooda markale isu keenaan.

Waxa uu natiijada noocaas ah uu ku tilmaamay mid aad halis u ah.

Madaxweynaha Venezuelan Nicolas Maduro ayaa waxa uu caqabad kala kulmayaa mucaaradka oo ku badan aqalka wakiillada.

Mucaaradka ayaa guul aan caadi ahayn ka gaaray doorashadii sanadkii tagay.

Xisbiga mucaaradka wuxuu Madaxweyne Maduro ku eedeynayaa inuu is hortaagay aftida loo qaadi lahaa in xafiiska looga saaro ka hor intuusan xilligiisa dhammaan.