Xabaal-wadareed laga helay Ciraaq

Xabaal-wadareed ayaa hadda ka hor bishii April laga helay Ciraaq Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xabaal-wadareed ayaa hadda ka hor bishii April laga helay Ciraaq

Milateriga Ciraaq ayaa sheegay inay heleen boqollaal meyd oo madaxa laga jaray oo ku jiray xabaal-wadareed ku taalla magaalo ay ciidanku ka qabsadeen maalmo ka hor mintidiinta dawladda islaamiga.

Xabaasha ayaa laga helay Hamam al-Alil oo koofurta kaga beegan Mosul. Milaterigu waxay sheegeen in taasi ay caddaynayso dambiyada arxan la'aanta ah ee ay gashay kooxda IS.

Weli baaritaan dhamaystiran laguma samayn meydadka.