Sawirro: Maalinta Doorashada 2016 ee Maraykanka

Codbixiyeyaal saf dheer ugu jira inay codkooda ka dhiibtaan Scottsdale, Arizona Lahaanshaha sawirka Laura Segall / AFP
Image caption In ka badan 100 malyan oo Maraykan ah ayaa u codaynaya madaxweynaha soo socda, ayadoo gobollada qaar ay dadku safaf dhaadheer ku jireen
Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York. Lahaanshaha sawirka Justin Sullivan / Getty Images
Image caption Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York. Lahaanshaha sawirka Justin Sullivan / Getty Images
Image caption Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Magaalada Los Angeles, waxay gabadhan yar si samir leh u sugaysaa hooyadeed oo cod dhiibanaysa. Lahaanshaha sawirka Mike Nelson / EPA
Image caption Magaalada Los Angeles, waxay gabadhan yar si samir leh u sugaysaa hooyadeed oo cod dhiibanaysa.
Fabio Alvarado, 91, markiisii horena ka yimid El Salvador ayaa loo dhaariyey muwaadinnimada Maraykanka maalintii ay doorashadu dhacaysay. Isaga iyo xaaskiisa Marta, 80, waxay yimaadeen diiwaan hayaha Norwalk, California si ay u codeeyaan. Lahaanshaha sawirka Mario Anzuoni / Reuters
Image caption Fabio Alvarado, 91, markiisii horena ka yimid El Salvador ayaa loo dhaariyey muwaadinnimada Maraykanka maalintii ay doorashadu dhacaysay. Isaga iyo xaaskiisa Marta, 80, waxay yimaadeen diiwaan hayaha Norwalk, California si ay u codeeyaan.
Arday cusub oo ku soo biiray jaamacadda Penn State University ayaa ku rajo weyn inuu inta kale ku qanciyo inay Trump u codeeyaan. Lahaanshaha sawirka Jeff Swensen / Getty Images
Image caption Arday cusub oo ku soo biiray jaamacadda Penn State University ayaa ku rajo weyn inuu inta kale ku qanciyo inay Trump u codeeyaan.
Jorge Mendez oo deggan Glendale, Arizona ayaa isku ekaysiiyey Hillary Clinton si uu taageeradiisa u muujiyo. Lahaanshaha sawirka Ralph Freso / Getty Images
Image caption Jorge Mendez oo deggan Glendale, Arizona ayaa isku ekaysiiyey Hillary Clinton si uu taageeradiisa u muujiyo.
Dadka Maraykanku waxay kaloo u codaynayaan kongareeska, iyo aqalka wakiillada oo iminka ay u badan yihiin xubnaha xisbiga Jamhuuriga. Lahaanshaha sawirka Randall Hill / Reuters
Image caption Dadka Maraykanku waxay kaloo u codaynayaan kongareeska, iyo aqalka wakiillada oo iminka ay u badan yihiin xubnaha xisbiga Jamhuuriga.
Dhamaan 50ka gobol iyo Washington DC ayey cod bixintu ka dhacaysaa, waxaana u dhaxeysa lix wakhti. Halkan waa Richmond, Virginia. Lahaanshaha sawirka Shelby Lum/Richmond Times-Dispatch via AP
Image caption Dhamaan 50ka gobol iyo Washington DC ayey cod bixintu ka dhacaysaa, waxaana u dhaxeysa lix wakhti. Halkan waa Richmond, Virginia.
Codbixiye isu diyaarinaya inuu codkiisa ka dhiibto Kansas. Jamhuuriga ayaa ku guulaysanayey tan iyo 1968. Lahaanshaha sawirka Larry W Smith / EPA
Image caption Codbixiye isu diyaarinaya inuu codkiisa ka dhiibto Kansas. Jamhuuriga ayaa ku guulaysanayey tan iyo 1968.
Taariikhda tiradii ugu badnayd - 46 malyan - ayaa codkooda dhiibtay goor sii horreysay intii aysan codbixintu billaaban. Lahaanshaha sawirka Charles Mostoller / Reuters
Image caption Taariikhda tiradii ugu badnayd - 46 malyan - ayaa codkooda dhiibtay goor sii horreysay intii aysan codbixintu billaaban.
Dadka qaar ayaa u arka xafiiltanka ka dhaxeeya labada murashax mid aan dhiiri galinaynin. Lahaanshaha sawirka Austin Anthony / Daily News via AP
Image caption Dadka qaar ayaa u arka xafiiltanka ka dhaxeeya labada murashax mid aan dhiiri galinaynin.
Wariyeyaasha oo ka hor intii aan goobaha codbixinta la xirin isugu soo uruuray xarunta ololaha Trump ee New York. Lahaanshaha sawirka Mary Altaffer / AP
Image caption Wariyeyaasha oo ka hor intii aan goobaha codbixinta la xirin isugu soo uruuray xarunta ololaha Trump ee New York.
Qof calanka Maraykanka u diyaarinaya ololaha Hillary Clinton. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qof calanka Maraykanka u diyaarinaya ololaha Hillary Clinton.
Xiisaha doorashada kuma eka oo kaliya Maraykanka. Waddanka Netherlands, dadku waxay sawirro la galayaan taswiirta Hillary Clinton iyo Donald Trump. Lahaanshaha sawirka Bart Maat / EPA
Image caption Xiisaha doorashada kuma eka oo kaliya Maraykanka. Waddanka Netherlands, dadku waxay sawirro la galayaan taswiirta Hillary Clinton iyo Donald Trump.
Maraykanka haddaan ku soo noqonno, ayadoo natiijadu ay soo baxayso ayey dadku isu soo uruureen si ay taageero ugu muujiyaan musharraxooda. halkan waa Indianapolis. Lahaanshaha sawirka Michael Conroy / AP
Image caption Maraykanka haddaan ku soo noqonno, ayadoo natiijadu ay soo baxayso ayey dadku isu soo uruureen si ay taageero ugu muujiyaan musharraxooda. halkan waa Indianapolis.
Taageerayaasha Clinton oo ku dabaal degaya New York. Lahaanshaha sawirka Justin Lane / EPA
Image caption Taageerayaasha Clinton oo ku dabaal degaya New York.
Mid ka mid ah gobollada muhiimka ah waa Florida, halkaasoo aad la isugu dhowaa, waxaase ku guulaystay Trump. Johanna Stiles waxay siddaa codadkii boostada lagu dhiibtay. Lahaanshaha sawirka Mark Wallheiser / Getty Images
Image caption Mid ka mid ah gobollada muhiimka ah waa Florida, halkaasoo aad la isugu dhowaa, waxaase ku guulaystay Trump. Johanna Stiles waxay siddaa codadkii boostada lagu dhiibtay.
Dibadda xarunta Rockefeller ee New York, dadku waxay shaashadda ka eegayaan wararka. Lahaanshaha sawirka Julio Cortez / AP
Image caption Dibadda xarunta Rockefeller ee New York, dadku waxay shaashadda ka eegayaan wararka.
Taageerayaasha Hillary Clinton ee Brooklyn Borough oo sugaya natiijada. Lahaanshaha sawirka Saul Martinez / Reuters
Image caption Taageerayaasha Hillary Clinton ee Brooklyn Borough oo sugaya natiijada.
Taageerayaasha Trump oo ku rajo weyn in murashaxooda uu guul ka gaarayo natiijada hor dhaca ah. Lahaanshaha sawirka Chip Somodevilla / Getty Images
Image caption Taageerayaasha Trump oo ku rajo weyn in murashaxooda uu guul ka gaarayo natiijada hor dhaca ah.
Taageerayaasha Clinton oo aan niyad fiicnayn. Lahaanshaha sawirka Carlos Barria / Reuters
Image caption Taageerayaasha Clinton oo aan niyad fiicnayn.
Ayadoo natiijooyin dheeraad ah ay soo baxayaan, oo ay ku jirto guusha Ohio, ayaa waddada Trump ee aqalka waxay u muuqataa inay caddahay, walow dagaalku uu weli socdo oo weli la sugayo natiijada gobollada qaar. Lahaanshaha sawirka John Locher / AP
Image caption Ayadoo natiijooyin dheeraad ah ay soo baxayaan, oo ay ku jirto guusha Ohio, ayaa waddada Trump ee aqalka waxay u muuqataa inay caddahay, walow dagaalku uu weli socdo oo weli la sugayo natiijada gobollada qaar.

All photographs are copyrighted.