Wareysi: Haweenay la ildaran cudurka sokorowga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Haweenay la ildaran cudurka sokorowga

Maanta oo kale sanad kasta waxaa caalamka laga xusaa maalinta xanuunka sokorowga.

Xanuunkaasi oo ah mid haddii uu qofka ku dhaco ay adag tahay in uu ka biskooda, ayaa sanadahan dambe waxa uu kusoo badanayay Soomaalida.

Arrintaasi ayaa waxaa loo aaneynayaa hab noolaleedka dadka oo isbedelay, iyo jimcsiga oo aad ugu sii yaraanaya dadka.

Xaawo Isaaq Cali waa 40 sano jir la ildaran cudurkan, waxaa u dheer in aanay iibsan karin dawooyinka cudurka lagula tacaalo, waxayna haysataa caruur agoon ah.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayay uga warantay xanuunka haya iyo duruufaha nololeed ee ku xeeran.