Dadka reer UK oo isku diyaarinaya dayax buuxa oo markii ugu danbaysay la arkay 1948-dii

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Marka ugu fiican ee la arki karo dayaxa buuxa ayaa ah caawa

Dadka reer Uk ayaa isku diyaarinaya dayaxii ugu waynaa ee la arko ee soo dhawaada tan iyo 1948-dii.

Marka ugu fiican ee UK laga arki karo ayaa ah caawa, dayaxa ayaa soo bixi doona saacada markay tahay 16:43 magaalada Edinburgh, isagoo London ka soo bixi doona 16:44.

Dadka fiirsanaya ayaa arki doona 7% dayax ka wayn kan caadiga kana iftiin badan 15%, inkastoo indhaha bini'aadanka aysan arkayn wax is badal ah.

Dayaxa ayaa sida hadda u soo dhawaanayn ilaa laga gaaro 25 November 2034.

Xafiiska UK ee saadaaliya cimilada ee Met Office ayaa sheegay in cirka uu daruuro yeelan doono markuu dayaxa soo dhawaado, waxayna dadka u sheegeen inay fiiriyaan internetka waqtiga ay ku soo aadan tahay meesha ay joogaan.

Image caption Dad iskugu imaaday xeebta Bondi Beach ee Australia si ay u arkaan dayaxa

Mowduucyada la xiriira