BBC WS oo 11 luqadood oo cusub lagu soo kordhinayo

Qeybta caalamka la hadasho ee BBC ayaa hadda ka kooban 27 luqadood
Image caption Qeybta caalamka la hadasho ee BBC ayaa hadda ka kooban 27 luqadood

BBC ayaa sharaxaad ka bixisay ballaarin lagu sameeyo qeybta caalamka la hadasho.

Ballaarintan ayaa ah tii ugu weyneyd ee BBC lagu sameeyo muddo 70 sano ah.

BBC-da ayaa sheegtay inay bilaabeyso 11 luqadood oo cusub, ayna kordhineyso telefishinka, mobile-ka iyo laamaha dijitalka.

Sidoo kale barnaamijyo cusub ee idaacadaha ah ayey dooneysaa in BBC ay soo kordhiso.

BBC waxay sheegtay in tallaabadan ay keeni doonto dhexdhexaadnimo iyo madax bannaani dhanka wararka iyo falaqeynta ah oo laga helo goobaha ay warbaahinta madaxa bannaan ku yartahay.

Meelaha ballaarinta ugu badan laga sameyndoono waxaa ka mid ah Ruushka, Bariga dhexe iyo Afrika.

BBC ayaa dooneysa inay diiradda saarto arrimaha la xiriira dhallinyarada iyo dumarka.