Maxkamadda ICC oo shiraysa xilli hanjabaadyo ka soo baxayaan Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Afrika ayaa dhaliilsan hawlaha ICC

Golaha maamulka maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ga ayaa shirkoodii sanadlaha ahaa waxay ku leeyihiin magaalada Hague ee dalka Holand iyadoo ay kordhayso loolanka awoodeedda ku wajahan ee ka imaanaya Afrika.

Ururadda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in kulankan ay uga faa'ideysanayaan sidii dalalka Koonfur Afrika, Burundi iyo Gambia in ay cadaaddis uga saari lahaayeen ka noqoshada go'aankooda ah inay ka diidan yihiin go'ammadda maxkamadda.

Sadexdda waddan ayaa ku doodday in maxkamaddu ay ka xagliso Afrika, waxaa kaloo jira dareen tilmaamaya in wadammadda Afrika qaarkood ay ku riixayaan maxkamadda ICC inay wax ka badasho sharcigeedda si loo xaqiijiyo damaanad ay helaan madaxdda wadamadda iyo saraakiisha sara sare.