Gabar laba uur yeelatay toban maalin gudahood

Charlotte iyo Olivia Hill ayaa dhashay isku maalin inkastoo ay uurka galeen laba mar toban maalin gudahood Lahaanshaha sawirka Seven Network
Image caption Charlotte iyo Olivia Hill ayaa dhashay isku maalin inkastoo ay uurka galeen laba mar toban maalin gudahood

Gabar reer Australia ah oo lagu yiri inaysan waligeed qaadeen uur, ayaa sheegtay inay dhashay mataano ay uurkooda qaaday laba mar toban maalin gudahood.

Kate Hill ayaa loo samaynayay daawaynta hormone-ka ee dumarka qaba (polycystic ovary syndrome) oo ah xaalad dumarka aysan ugxaan ku samaynayn.

Waxay u eg tahay inay uurka galeen mataanaha laba mar oo kala duwan.

Aad ayay u yar tahay dumarka in iyagoo uur leh ay uur kale qaadaan.

Mataanaha ayaa badanaa imaada markii gabadha ay soo dayso laba ugxaan isku mar, ama si dhacda marar yar ugxan ay is heleen biyaha raga oo kala jabta.

Gabdhaha mataanaha, Charlotte iyo Olivia, ayaa dhashay 10 bil ka hor iyagoo kala wayn, kala culays ah oo waqti kala duwan caloosha ku abuurmay, sida ay sheegeen wararka.

"Ma ogayn sida ay u yihiin wax gaar ah ilaa iyo markii ay dhasheen" ayay u sheegtay Mrs Hill warfaafinta Seven Network.

Lahaanshaha sawirka Seven Network
Image caption Kate iyo Peter Hill ayaa ilmaha dhalay iyadoo ay caawisay daawaynta hormone-ka

Uurka ayaa sida caadiga ah joojiya ugxaanta samaysanta bil walba, laakiin waxaa aad u yar in dumarka ay soo dayaan ugxaan kadib markii ay uur qaadaan.

Hadii ugxaan kale ay soo daayaan iyagoo uur leh, waxaa dhici karta inay uur kale oo caafimaad leh noqoto.

Waxaa la aaminsan yahay inay jiraan in 10 mar oo kaliya ay arrintan oo loo yaqaano (superfetation) ka dhacday adduunka.

Dhaqtarka reerka, Brad Armstrong, ayaa sheegay in xaaladan ay aad u yar tahay oo ay qasab ku noqotay inuu internetka ka baaro.

"Waan heli waayay qoraal looga hadlaayo arrinta websiteyada caafimaadka" ayuu yiri.

Mowduucyada la xiriira