Duqeyntii ugu xumeyd oo afar maalmood ka socoto Xalab

Duqeynta Suuriya waxaa waxyeello weyn ay kasoo gaartay caruurta Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Duqeynta Suuriya waxaa waxyeello weyn ay kasoo gaartay caruurta

Duqeyn cir iyo dhul ah ayaa ka socoto magaalada Xalab ee dalka Suuriya, gaar ahaan qeybaha mucaaradka ay maamulaan.

Duqeynta oo ah tii ugu xoogga badneyd ayaa socoto maalintii afaraad, sida ay sheegayaan hay'adaha xaaladda Suuriya kor kala socda iyo shaqaalaha gurmadka ee bariga Xalab.

Weriye u shaqeeya wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan magaaladaasi wuxuu sheegay in duqeynta ay tahay middii ugu xoogga badneyd labadii sano ee la soo dhaafay.

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duqeyn ay mucaaradka la eegteen dhanka dowladda ay maamusho.

Lataliyaha arrimaha gargaarka UN ee Suuriya wuxuu sheegay in xaaladda bariga Xalab ay "meel quus ah gaartay", halkaas oo cuntada ay ku yartahay iyo xilliga qabowga oo bilaabanaya.

"Waxaan fahamsanahay in dhibaato ay ka taagan tahay guri kastaa, tobannaan kun oo qofna aysan haysan cunno," ayuu u sheegay Reuters, Jan Egeland.

Najib Fakhoury, oo ka mid ah kooxda difaaca bulshada Suuriya oo si iskaa wax u qabso ah u howgala, wuxuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay "Weligey ma maqal duqeyn iyo madaafiic sidan oo kale ah".

Kooxdiisa maysan awoodin inay ka jawaabto telefoonada degdegga ah sababtoo ah "duqeynta waxaa lala eeganayaa jidadka", ayuu yiri.

Kooxda xuquuqda adaanaha Suuriya ee UK fadhigoodu yahay waxay sheegtay in 18 guri oo Xalab ku yaalla la duqeeyay.

Waxaa jiro warar sheegaya in cisbitaalkii caruurta ee ku yaalla bariga Xalab la duqeeyay. Wuxuu ahaa midka keli ah ee ku yaallay halkaasi.

Xalab, oo mar ahaan jirtay magaalada warshadaha iyo ganacsiga Suuriya, ayaa waxay u kala qeybsan tahay laba dhinac tan iyo 2012-kii, oo ah Galbeedka oo dowladda ay maamusho iyo bariga oo mucaaradka ay haystaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan