Amnesty International oo edeesay laamaha amaanka ee Nigeria

Diabadbaxayaal
Image caption Diabadbaxayaal

Laamaha amaanka ee dalka Nigeria ayaa lagu edeeyay in ay dileen ugu yaraan 60 qof oo dibadbaxayaal ah kuwaas oo maalinta Biafra ku xusayay Magaalada Onitsha ee dalkaasi.

Amnesty International waxaa kale oo ay sheegtay in militariga dalkaasi ay dilal ka baxsan sharciga ka fuliyeen degaano kala duwan oo dalkaasi ah. Waxaana Amnesty ay intaa ku dartay in Militariga ay dadka ku jirdilan saldhigyada militariga.

Mid kamid ah dibadbaxayaasha oo ay laamaaha amaanka toogteen ayaa sheegay in ay Ciidamada ay wajigiga kaga ku seyreen Aashito, Balse Militarigu wa ay beeniyeen edeymahaasi , waxaana dadkii dibadbaxayay ay ku tilmaameen kuwa halis ku ah amaanka qaranka. War qoraal ah oo ay soo saareen ayay sidoo kale ku sheegeen in shan kamid ah ciidamada amaanka a ay ku dhinteen isku dhacyadaasi.