Dhul gariir ka dhacay El Salvador

Dhul gariirka ayey xudduntiisu ahayd meel 150 KM ka baxsan El Triunfo oo ka tirsan EL Salvador. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhul gariirka ayey xudduntiisu ahayd meel 150 KM ka baxsan El Triunfo oo ka tirsan EL Salvador.

Dhul gariirka oo lagu qiyaasay darajada 7 ee dhul gariirrada lagu cabbiro ayaa ku dhuftay xeebaha Pasifigga ee El Salvador.

Bartamaha Ameerika ayaa dhul gariirka laga dareemay, kaasoo ka dhacay galabnimadii Khamiista meel 150 KM ka baxsan El Triunfo oo ka tirsan EL Salvador.

Adeegyada gurmadka ayaa la amray inay dadka daad gureeyaan, cabsi laga qabay in bad-gariir (Sunaami) uu halkaa ku dhifto, laakin markii dambe ayaa digniintaas hoos loo dhigay.

Dhibaatadan ayaa timid ayadoo duufaanta Otto ay khasaare u gaysatay gobolka dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Khamiistii ayey duufaantaas gaartay Nicaragua.