Doorashada Muqdisho oo bilaabatay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada aqalka hoose ee Muqdisho oo bilaabatay

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya ee kuraastooda doorasho ay ka socoto Muqdisho, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xerada gaadiidka boliiska ee degmada Cabdicasiis.

Kuraas ka badan konton ayaa lagu tartamayaa Muqdisho, kuwaas oo ay ku tartamayaan murashaxiinta beelaha banaadiriga iyo kuwa ka soo jeeda Somaliland.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Adan, oo saaka tagay goobtii ay doorashadu ka dhacaysay ayaa warbixintan noo soo diray.

Mowduucyada la xiriira