Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Muslimiinta Rohingya oo ka dhacay Malaysia

Sida la sheegay, Muslimiintan waxaa weeraro maamulada iyo dadka Budhist taha aaminsan.
Image caption Sida la sheegay, Muslimiintan waxaa weeraro maamulada iyo dadka Budhist taha aaminsan.

Ra'iisul wasaaraha dalka Malaysia, Najib Razak, ayaa cambaareeyay dilka loo geysto qowmiyadda muslimiinta ee Rohingya.

Wuxuu sheegay in xasuuq loo geysto muslimiintaas oo ku nool dalka Myanmar.

Asigoo la hadlaayay kumannaan qof, Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay inuu Farriin u dirayo madaxda dalka Myanmar.

"Waxaan farriin culus u dirayaa hogaamiyaha Burma, Aung San Suu Kyi iyo dowladeeda. Waxaan u sheegayaa inuu dulqaadka naga dhammaaday", ayuu Yiri Razak.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Muslimiinta Ronhingya

Dibad baxa ugu weyn wuxuu ka dhacay magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Malaysia.

Tobannaan ku oo qof oo Ronhingya ah ayaa ka qaxay guryahooda ee magaalada Rakhine.

Dagaal culus ayaa halkaasi ka dhacay ka dib markii ciidamada maamulka ay weerar ku hayeen muslimiinta Ronhingya, tan iyo bishii October ee sanadkan.

Image caption Kumannaan ka mid ah waxay u qexeen dalalka deriska la ah Myanmar.

Dowladda Myanmar waxay Malaysia ku eedeysay inay arrimaha dalkeeda faragelineyso.

Malaysia waxaa u badan Muslimiin, kuwaas oo ka careysay dhibka haysto Muslimiinta Myanmar.

Dadka aaminsan diinta Budhist waxay sheegaan in Muslimiinta Rohingya ay yihiin dad si sharci daro ah ku galay Myanmar oo ka soo jeeda Bangladesh.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan