Mucaaradka Suuriya oo laga saaray goobo badan oo ay gacanta ku hayeen

Kumanaan shicib ah oo iskaga baxay magaalada Xalab Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kumanaan shicib ah oo iskaga baxay magaalada Xalab

Koox uu dhaqdhaqaada mucarad Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degmo ku taalla bariga magaalada Xalab.

Degmadaas ayaa muhiim u ah dagaalyahannada mucaaradka oo la kulmay duqeyn aad u xoog badan.

Weerarka oo ka dhacay agagaarka degmada Sheekh Saciid ayaa waxaa uu mucaaradka uga dhiganyahay in gacantooda ay ka baxday boqolkiiba 19, deegaanadii markii hore ay maamuli jireen ee magaalada Xalab.

Kooxaha xuquuqul insaanka ee la socda arrimaha Suuriya ayaa sheegay in dowladda iyo Ruushka ay sare u sii qaadeen duqeymaha ay ka fulinayaan qeybaha harsan ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka ee bariga Xalab.

Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in inkabadan 700 oo dagaalyahanno falaagada ka tirsan ah ay isa soo dhiibeen halka 10,000 oo qof oo rayid ahna ay iskaga baxeen goobaha ay maamulaan mucaaradka 24-kii saac ee u dambeeyay.