Qadar oo isbadal ku samaysay shuruucda shaqaalaysiinta ajaaniibta

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqolaal kun oo ajaaniib ah ayaa dhisaya garoomada lagu qaban doono Koobka Aduunka ee 2022

Dawladda Qadar ayaa soo afjaraysa shuruucdii ku aadanayd shaqaalaysiinta dadka aan dalka u dhalanin kaas oo shaqaalaha ajaaniibta ah ku qasbayay in ay ogolaansho waydiistaan qofka ay u shaqaynayaan haddii ay damcaan in ay shaqada badashaan amaba dalka ka baxaan.

Dawladdu waxay sheegtay in hadda wixii ka bilawda ay shaqaaluhu sixiixi doonaan qandaraas cusub oo sharciga waafaqsan kaas oo badali doona midkan hadda jira ee loo yaqaanno "kafala" sharciga cusub wuxuu shaqaalaha u ogolaan doonaa dabacsanaan iyo xuquuqo dheeri ah.

Hay'addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in nidaamkani uusan wax isbadal ah ku keenaynin hannaankii ay ku tilmaameen is adoonsiga casriyaysan.

Dawladda Qadar ayaa dalkeeda keensatay boqolaal kun oo shaqaale dhismeyaal ah kuwaas oo ka shaqaynaya garoomadda iyo kaabayaasha kale loogu talagalay Koobka Kubadda Cagta Aduunka ee sanadka 2022-ka.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxaa kale oo ay sheegeen in qaar badan oo shaqaalahaas ka mid ah ay u dhinteen sababo la xiriira xaalado qalafsan oo ay ku shaqaynayeen.

Qof ku dhintay dhismaha garoomada Qadar

Safiirka UK u fadhiya Sacuudiga oo Xajiyay

Qadar waxay sheegtay in sharcigan cusub uu dhaqan gali doono Talaadada.

Laakiin hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay arrintan aysan horseedaynin isbadal wayn.

James Lynch oo ka tirsan Amnesty ayaa sheegay magaca qandaraaska la badalayo balse ay wali sii jiraan qodobo badan oo sharcigii hore ku jiray.

Dawladda Qadar oo horay loogu soo jeediyay eedaymo arrintan la xiriira ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay eedaymahaas ayna baaridoonto.

Mowduucyada la xiriira