Daadgureynta shacabka Xalab oo la hakiyay

Inta badan dadka magaalada laga daadgureeyay ayaa waxaa la geeyay gobolka Idlib Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Inta badan dadka magaalada laga daadgureeyay ayaa waxaa la geeyay gobolka Idlib

Daadgureynta dadkii ku noolaa bariga magalada Xalab ayaa la joojiyay ka dib markii dowladda ay ku eedeysay Mucaaradka in ay jabiyeen qaar ka mid ah qodobadii xabbad joojinta.

In ka badan 3,000 oo qof ayaa Khamiistii basas looga qaaday xaafadaha uu burburka weyn soo gaaray, hasayeeshee Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ilaa iyo 50,000 oo qof ay weli ku xayiran yihiin halkaasi.

Ciidammada dowladda oo ay baritaarayaan xulafadooda Ruushka ayaa waxa ay todobaadkan la wareegeen ku dhawaad dhammaan qeybihii ay Xalab ka maamulayeen kooxaha fallaagada.

Mareykanka ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda Suuriya inay magaalada ku qaadday wax aanan xasuuq ka yarayn.

Suuriya iyo Ruushka ayaa si joogta u diiday inay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Khamiistii bogaadiyay "xoreynta" Xalab kaddib in ka badan afar sano oo uu halkaasi dagaal ka socday.